Xiddig Liverpool Ah Oo Qirtay In Uu Ku Ciyaari Doono Dhaawac Jilibka Ah Ilaa Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan

0

Liverpool ayuu xilli ciyaareedkan ku habsaday dhaawacyo iyaga oo xiddigo muhiim ah ka dhaawacmay waliba seegeen kulamo muhiim ah.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Gini Wijnaldum ayaa qirtay in uu haatan la dhibaatoonayo dhaawac jilibka ah kaa soo uu u baahan yahay in uu ku ciyaaro ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii Bournemouth kadib markii uu dhaliyay gool cajiib ah kadib markii uu kulanka soo galay isaga oo xanuusanaya.

Gini Wijnaldum ayaa ku dhibaatoonaya xanuun waliba matagaya maalmo waliba aan seexan hudheelka kooxda sabab la xidhiidha xanuu uu qabay.

Laakiin xiddigii hore ee Newcastle ayaa ku soo laabtay shaxda Liverpool kulankii Bournemouth isaga oo kiniin cunay si uu u caawiyo kooxdiisa.

Xiddiga ayaa sidoo kale dhaawac ka qaba jilibka kaas oo uu ku seegay kulankii West Ham ee Isniintii hore.

“Khamiistii waxa aan cunay Kiniin uu dhakhtarku iigu qoray jilibka”ayuu Wijnaldum yidhi, “waxa uu ahaa Kiniin iga yaraynaya xanuunka aan dareemayo”.

“Waan Cunay kadib waan ciyaaray laakiin wali waan dareemayay xanuunta ugu dambayn waxa aan bilaabay in aan matago waanan yara cabsooday”.

“Jimcihii maan tababaran sababta oo ah maan seexan hudheelka kooxda waxana aan diidanaa in aan xanuunka u gudbiyo xiddigaha kale”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here