Xiddig Lagu Iloobay Kursiga Keydka Liverpool Oo Haatan Fursadiisa Helaya, Dalab Kaga Yimid Barcelona & Wakhtiga Uu Ku Biiri Karo.

0

Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Alberto Moreno ayaa u muuqda mid ay albaabkiisa garaacayso fursadii uu kaga baxsan lahaa dhibaatada ku haysata Anfield waxaana uu dalab ka helayaa kooxda dalkiisa Spain ee Barcelona.

Moreno ayaa xilli ciyaareedkan saaxiib la noqday kusriga keydka Reds waxaana uu ilaa haatan ciyaaray kaliya laba kulan oo horyaalka ah halka uu isku darka tartamada kala ah League Cup, FA Cup iyo Champions League dhammaan hal kulan kasoo ciyaaray.

Daafaca ree Scotland ee Andrew Robertson ayaa ah haatan dookha koowaad ee tababare Jurgen Klopp iyadoo heshiiska Moreno uu ku eegyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan ayuu si xor ah ugaga bixi karaa kooxda isaga oo Barca u wareegi kara isla xagaaga.

Sida laga soo xiganayo wargeyska Sport, Moreno ayaa Barcelona ka helay heshiis laba sano ah oo uu ugu biiri karo kooxda Camp Nou.

Si lamid ah dhibaatada haatan ku haysata Liverpool, Alberto ayaa ciyaartoy kaabe amaba dookha labaad ah ka noqon doona Blaugrana maadaama uu haatan booskiisa daafaca midig haysto Jordi Alba oo dhawaan uun heshiis cusub saxeexay waxaana intaa dheer inuu soo laaban doono Marc Cucurella oo haatan amaah ku jooga Eibar.

Barcelona ayaan ahayn dookha kaliya ee u furan 26 jirkan balse waxa sidoo kale doonaysa kooxdiisii hore ee Sevilla iyo waliba kooxda ree Talyaani ee AS Roma.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka kama dambaysta ah ayaa noqon doona mid ku xidhan Moreno isaga oo kala xulan doona kooxaha booska joogtada ah u balan qaadaya iyo kooxaha dookha labaad ka dhiganaya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here