Xiddig Kasta Oo Sida Xorta Ah Uga Tagaya Kooxdaad Dhamaadka Xilli Ciyaareedka, Xiddigo Waaweyn Ayaa Ku Jira.

0

Kooxaha premier League ayaa u dadaalaya sidii ay heshiisyo cusub uga saxiixan lahaayeen xiddigaha ku jira sanadkoodii ugu dambeeyay ee heshiiska.

Waxa jira xiddigo badan oo premier League si xor ah uga tagi doona kooxohooda haatan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa ku mashquulsan sidii ay xiddigeheeda uga saxiixan lahayd heshiisyo cusub iyada oo haatan 3 xiddig heshiis cusub ka saxiixatay.

Laakiin waxa ay wali khatar ugu jirtaa in ay waydo xiddigaha David De Gea, Juan Mata, Antonio Valencia, Ander Herrera & Ashley Young.

Dhanka kale Arsenal ayaa haatanba sii macasalaamaysay xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey kaas oo ay u badantahay in uu ku biiro Juventus.

Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda waayi karta xiddigaha Daniel Sturridge & Alberto Moreno halka ay chelsea waayi karto xiddigaha David Luiz, Gary Cahill, Willy Caballero & Rob Green.

Man City ayaa dhankeeda waayi karta xiddigaha Vincent Kompany kaasoo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadii aynu eegno xiddigaha kale ee yurub sida xorta ah uga tahi doona xagaaga waxa aynu arkaynaa xiddigo magac leh oo kala ah Diego Godin, Adrien Rabiot & Arjen Robben.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha xorta uga tagi doona kooxohooda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arsenal: Petr Cech (retiring), Carl Jenkinson, Stephan Lichtsteiner, Nacho Monreal, Aaron Ramsey, Danny Welbeck

Chelsea: Willy Caballero, Gary Cahill, Olivier Giroud, Robert Green, David Luiz, Lucas Piazón

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here