Xiddig Ka Ciyaara Premier League Kuna Guuleystay Koob Adduun Oo Ka Sheekeeyay Waqti Uu Darbi Jiif Ahaa Oo Uu Dawarsan Jiray

Daafaca Mamadou Sakho ayaa safar nolosha ah oo cajiib ah soo maray isagoo mar ahaa mid darbi jiif ah oo wadooyinka Paris dawarsada haatana waa xiddig ka xamaasha Premier League islamarkaana Koob Adduun la qaaday France.

Haatan waa 28 jir u ciyaar kooxda Crystal Palace waxaana khibradiisa nolosha ay u ogolaatay inuu fure u noqdo ololaha ay kooxda ku caawineyso dadka darbi jiifka ah ee Koonfurta London.

Waxa uu yiri: “Waa muhim inaan dib wax u bixiyo. Kaliya lacag ma ahan waxa aan bixinayo laakiin waqti iyo inaan la wadaago khibradeyda.”

Kooxda Crystal Palace ayaa darbi jiifka Koonfurta London ka caawineysa inay heleen meel ay seexdaan, ku qubeystaan islamarkaana shaqooyin loogu tababaro madaama cimilada ay aad u qabow dahay waqtigaan, waxaana ololahaas hormuud ka ah Mamadou Sakho.

“Nolol aad u adag ayaa i soo martay markii aan yaraa, laakiin waqtiyadaas adag waxa ay iga caawiyeen inaan noqdo ninka aan maanta ahay” ayuu Sakho u sheegay CNN.

“Cidna iima sheegi karto sida uu yahay dareenka inaysan cunto kuugu jirin faranjeerka (Fridge), sidoo kalena cidna iima sheegi karto qabowga banaanka ka jira, in darbiyada la seexdo ama in shilimaad la tuugsado ama wax la xado si cunto loogu iibsado, sababtoo ah nolosheyda ayay aheyd markii aan yaraa. Nolosheyda rasmiga ah ayay aheyd.

“Waxaan dhihi lahaa waxa ay xaaladaas ii diyaarisay qofka aan maanta aheyd. Waxaan mar walba nafteyda u sheegi jiray in marka aan wax noqdo inaan dadka caawiyo, sababtoo ah waxaan ahay qof garanaya inaan maalmo wax la cunin ama la seexanin.”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here