Xiddig Chelsea Ah Oo Kashifay In Uu Eden Hazard Mar Walba Wax Ka Wyadiiyo Real Madrid

Xiddiga Kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid isaga oo dhawr jeer qirtay in uu ku riyoonayo in uu xidho maaliyada Los Blancos.

Xiddig khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea amaahdana uga Maqan Real Madrid ee Mateo Kovacic ayaa shaaca ka qaaday in uu Eden Hazard ka wax ka waydiiyo kooxda Real Madrid.

Kovacic oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi”Waxa uu Eden Hazard Mar walba iga waraystaa kooxda Real Madrid iyo sida uu yahay jawiga Santiago Bernbeu”.

Warkan ayaa dabka ku sii shidaya wararka Hazard la xiriiranaya kooxda Real Madrid xilli uu furitaanka suuqa January fooda inagu soo hayo.

Hazard ayaa diirada u saaray Real Madrid ilaa xagaagii hore iyada oo doonaysa in ay ku buuxiso booska Cristiano Ronaldo ka tagay xagaagii.

Los Blancos ayay u badan tahay in ay mar kale isku dayi doonto in ay hesho Hazard kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here