Xiddig Arsenal Ah Oo Sheegay In Uuna Cuntada Cuni Karin & Romelu Lukaku Oo Sabab U Ah, Qaab Noocee Ah.

Xiddig u ciyaara kooxda Arsenal ayaa sharaxay qaabka uu weeraryahanka kooxda Man United ee Romelu Lukaku sababta ugu noqday in uu xitaa cuni karo waayo cuntada.

Daafaca kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa sheegay in uuna xitaa cuni karin cuntada kadib dhaawacii ka soo gaadhay Daanka ee uu sababta u ahaa xiddiga Man United ee Romelu Lukaku.

Romelu Lukaku ayaa wajiga kaga istaagay daafaca Laurent Koscielny intii uu socday kulankii ay Man United guusha 3/1 ah ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka tirsnaa FA Cup-ka.

Laurent Koscielny ayaa seegay kulankii Xalay ay Arsenal guusha 2/1 ah ka gaadhay kooxda Cardiff City inkasta la xaqiijiyay in uuna daanku jabin.

Kabtanka Arsenal oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Habeenkii jimcihii waxa uu ahaa mid aad iigu xun, markii ay dhacdadu dhacday waxa aan u maleeyay in uu daanku i jabay”.

“Waxa uu ahaa dhaawac xanuun badan, waxa aan tagay Dhakhtarka kadib baadhitaan X-Ray ah Nasiib xumo muu ahayn jabniin, waxana aan dareemay raaxo weyn laakiin waxa aan sabtidii maray qaliin”.

“Waxa aan u baahanahay wakhti si aan u caafimaado sababta oo ah ilaa haatan ma cuni karo xuntada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here