Xherdan Shaqiri Oo Soo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican, Laba Xiddig Oo Uu Liverpool Kaga Daray & Messi Iyo Ronaldo Oo Hogaaminaya

0

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri ayaa doortay shaxdiisa riyada ee ugu fiican xilli uu kaliya 2 xiddig oo kaliya kaga soo daray kooxdiisa Liverpool ee haatan.

Shaqiri ayaa kaliya kooxdiisa Liverpool ee haatan ka soo doortay labada daafac ee Robertson iyo Van Dijk halka uu iska indha tiray xiddiga ugu fiican Liverpool ee Mohamed salah.

Kooxda Real Madrid ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda Shaqiri kuwaas oo kala ah Modric, Kroos, Ramos iyo Carvajal.

Dhanka kale Bayrn Munich ayaa 3 xiddig ku leh kuwaas oo kala ah Lewandowski, Thiago iyo goolhayaha Neuer.

Xiddiga ayaan shaxdiisa ka iloobin xiddigaha min 5 jeer ugu fiican aadduunka ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas oo uu ku soo daray shaxdiisa.

Shaqiri ayaa shaxdan soo doortay saacado ka hor kulanka uu caawa kaga hor tagi doono kooxdiisii hore ee Bayern Munich kulan champions League ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here