Xavi Hernández Oo Barcelona U Tilmaamay Xiddig U Ciyaara Bayern Munich, Xitaa Wuu Amaanay

Halyeeyga Kooxda Barcelona ee Xavier Hernández ayaa kooxdiisii hore talo ka siiyay dhanka suuqa kala iibsiga isaga oo u tilmaamay in ay u dhaqaaqaan xiddiga u ciyaara kooxda Bayern Munich.

Xavi Hernández ayaa Kooxdiisii hore ee Barcelona u sheegay in ay u dhaqaaqaan xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich kaas oo uu u arko mid ku soo baxaya qaab ciyaareedka Barcelona.

Khabiirka reer Spain oo la hadlaya wargayska Bild ayaa yidhi” Ma garanayn cida uu yahay Joshua Kimmich laakiin waxa aan kala hadlay pep Guardiola markii uu tababaraha u ahaa Bayern Munich waxana uu ii sheegay in uu yahay xiddigaha ugu fiican kooxda tan ilaa wakhtigaas waan la socdaa qaab ciyaareedkiisa iyo dadaalkiisa cajiibka ah”.

“Waxa uu Joshua Kimmich ku fiican yahay ayaa ah in uu ka ciyaari karo dhaw boos waana xiddig u fiican Barcelona, waan ogahay in ka tagistiisa Bayern Munich ay adag tahay laakiin way fiicnaan lahayd hadii uu Barcelona ku biiro”.

“Waxan u malaynayaa in uu Joshua Kimmich yahay mustaqbal u soo baxaya kooxda Bayern Munich iyo waliba xulka qaranka waxana aan aad u rajaynayaa in aan Barcelona ku arko, hadii aan anigu arinta gacanta ku hayo waxa aan ka bixin lahaa lacag badan si aan u geeyo Barcelona”.

“Kimmich Waxa uu aad ugu qaab ciyaareed eegyahay Philipp Lahm, kaas oo ahaa xiddig cajiib ah hadii uu isna ku biiri lahaa Barcelona waxa uu noqon lahaa xiddig weyn sidaas darteed aad ayaan u jecelahay in aan Kimmich ku arko Barcelona”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here