XASUUQ: Ajax Oo Dhulka La Dhacday Real Madrid & Los Blancos Oo Si Fool Xumo Leh Uga Hadhay Champions League

Kooxda Real Madrid ayaa si fool xumo leh looga reebay tartanka champions League kadib markii ay kooxda Ajax ku dhex xasuuqday garoonkeeda Santiago Bernabue.

Real Madrid ayaa kulanka soo gashay iyaga oo si weyn ugu rajo weynaa in ay dhaafi doonaan Ajax iskana xaadirin doonaan wareega xiga.

Laakiin Ajax ayaa diiday kana soo hor jeedsatay kalsoonida Real Madrid iyaga oo si xun ugu gumaaday garoonkeeda iyo waliba Spain dhexdeeda.

Ajax ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo dhan walba kaga fiicnaa kooxda Real Madrid inkasta oo ay Los Blancos ku dhawaatay in ay dhaliso gool wakhti hore ah.

Daqiiqadii 7-aad ayay Ajax dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Ajax ayaan halkaas ku joogsan waxa ay sii wadeen weerarka iyo waliba qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay ku jireen ciyaarta.

Daqiiqadii 18-aad ayay AJax sii dheeraystay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga David Neres kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 lagu hogaaminayo Rela Madrid.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Ajax si xarago leh ku ciqaabtay kooxda Real Madrid oo awood iska wayday gabi ahaan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Ajax si dar-dar leh ku soo gashay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay gabi ahaan hurdo u diraan rajada Real Madrid ee soo laabashada ciyaarta.

Daqiiqadii 62-aad ayay Ajax dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Dusan Tadic isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Real Madrid ayaa madaxa la soo yara kacday iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayaan in ay ku dhaliyaan goolal si ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 70-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marco Asensio kaas oo rajo u sameeyay kooxdiisa.

Laakiin Ajax ayaa mar kale gool dhalisay markana si buuxda u dishay rajao kasta oo ay Real Madrid ka doonaysay ku soo laabashada ciyaarta.

Daqiiqadii 70-aad Ayay Ajax dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si qurux badan laad xor ah ugu dhaliyay xiddiga Lasse Schoene kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Real Madrid ayuu xaalku ku sii xumaaday kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Nacho Fernandez kaas oo laba digniin qaatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Ajax ka cidhibtirtay tartanka champions League xilli ciyaareedkan xilli uu sii xumaaday xilli ciyaareedkoodu.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here