XASAASI: Zinedine Zidane Oo Albaabka U Furay Soo Laabashada Cristiano Ronaldo Ee Real Madrid.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa albaabka u furay soo laabashada Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid.

Tababare Zidane ayaa loo magacaabay taabbaraha cusub ee Real Madrid Isniintii isaga oo kooxda ku soo laabtay 10 bilood kadib markii uu ka tagay kooxda.

Dadka oo dhan ayaa ogsoon in Zidane wakhti fiican la soo qaatay Cristaino Ronaldo wakhtigii ay wada joogeen kooxda Real Madrid.

Zidane ayaa wax laga waydiiyay xaalada Cristiano Ronaldo xilli uu ku jiray shirkii soo bandhigistiisa kadib markii uu saxiixay heshiiska.

Laakiin Zidane ayaa si maldahan albaabka ugu furay Ku soo laabashada Cristaino Ronaldo ee kooxda Real Madrid.

“Cristiano Ronaldo? “Ma ahan mawduuca maanta”.

“Waxa horyaalka ka hadhay 11 kulan waxana aan u baahanahay in aanu diirada saarno ku dhamaysiga sida ugu fiican xilli ciyaareedkan kadib waxa aan arinta Ronaldo ka hadli doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

“Cristiano Ronaldo waxa uu taariikh weyn ka sameeyay Real Madrid cidna ma badali karto arintaas”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here