XASAASI: Zindedine Zidane Oo Saaxiibadiisa Ku Dhaw U Sheegay Go,aankiisa Ku Aadan Shaqada Chelsea & Laba Arimood Oo Sabab U Ah

Kooxda chelsea ayaa u baahan in ay si deg-deg ah u dhaqaaqdo una hesho saxiixa tababare Zinedine Zidane hadii ay doonayaan in uu shaqada ka badalo Maurizio Sarri xilli ay Juventus diyaar u tahay in ay soo xero galiso halyeeygooda iyada oo uu taabbaraha reer France doonayo in uu ku laabto Turin.

Sarri ayaa iska rogay culayskii saarnaa kadib guul muhiim oo ay kooxdiisu ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa Premier League inkasta oo wali ay ka wal-walsan yihiin awoodiisa kooxda.

Chelsea ayaa guuldaro 6/0 ah kala kulantay Man City todobaadyo ka hor kadib inta ayna Finalka Carabao cup-ka u waayin isla Man City.

Hadii ayna Blues dib u helin qaab ciyaareedkii fiicnaa ee joogtada ah waxa ay wali ka fiirsanaysaa in ay shaqada ka caydhiso Sarri xilli wargayska The Sun sheegayo in uu Zidane yahay badalka ay doonayaan.

Si kasta ha ahaatee madaxda chelsea ayaa doonaya in ay Sarri wakhti siiyaan laakiin waxa ay ka war qabaan in uu Zidane la wareegi doono shaqada Juventus hadii ay Maxi Allegri ka tago shaqada kooxdaas xagaaga.

Dhanka kale Zidane ayaa saaxiibadisa dhaw u sheegay in uu doonayo in uu tababare u noqdo kooxda Juventus halkaas oo uu ka helay Ixtiraam weyn markii uu Ciyaaryahanka ka ahaa kooxdaas.

Si la mid ah Zidane ayaa sheegay in uuna doonayn in uu wajaho shaqo ka caydhinta Chelsea sidii ku dhacday tababarayaasha waaweyn ee Mourinho, Ancelotti, Conte iyo Sarri oo haatan wajahay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here