XASAASI: Xiriirka U Dhexeeya Paul Pogba & Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Si Weyn U Xumaaday & Pogba Oo Ku Sii Dhawaanaya Real Madrid

Xiriirka u dhexeeya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United iyo tababaraha Kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu gabi ahaan bur-buray sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka France.

Xiddiga Man United ayaa sidaas darteed doonaya in uu isaga tago kooxda Man United marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Le Parisien ayaa sheegaya in ay talaabadaas tahay mid Xiddiga reer France ee koobka adduunka ku guulaystay ku sii dhawaynaysa in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Warkan ayaa mid la yaab leh ku noqday taageerayaasha kooxda Man United kuwaas oo dhawaan arkay qaab ciyaareedka fiican ee xiddiga khadka dhexe ee kooxdooda.

Paul Pogba ayaa ah xiddiga ugu fiican kooxda Man United tan ilaa bishii December oo ah markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer la wareegay maamulka kooxda Man United.

Xiddiga ayaa dhaliyay 7 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 19 gool oo kale tan ilaa markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer shaqada ka badalay Jose Mourinho.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Real Madrid todobaadyadii ugu dambeeyay xilli uu xitaa xiddigu qirtay in ay riyo u tahay in uu ku biiro Real Madrid kana hoos ciyaaro tababare Zidane.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here