XASAASI: Xiddigaha Chelsea Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Haatanba Ogyihiin Wakhtiga Shaqada Laga Caydhin Doono Maurizio Sarri

Xiddigaha Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba ogyihiin wakhtiga shaqada tababaranimo laga caydhin doono tababare Maurizio Sarri.

Xiddigaha Cheslea ayaa la sheegayaa in ay ogyihiin in tababare Maurizio Sarri laga caydhin doono shaqada kooxda hadii ay chelsea guuldaro kala kulanto Tottenham kulanka caawa.

Tababaraha reer Italy ayaa ku bilowday si cajiib ah laakiin qaab ciyaareedka kooxda ayaa si weyn hoos ugu dhacay wakhtigii ugu dambeeyay xilli uu muran weyn ka dhashay dhacdadii dhex martay isaga iyo goolahaya Kepa Arrizabalaga.

24 jirka ayaa diiday in uu badalo Willy Caballero intii lagu jiray qaybtii wakhtiga dheeriga ahayd ee finalkii Carabao cup-ka.

Sida laga soo xigtay Wargayska Evening Standard, Chelsea si weyn wal-wal uga qabta hogaaminta tababare Maurizio Sarri.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay xiddigaha chelsea ogyihiin in ay maamulka kooxdu shaqada ka caydhin doonaan tababaraha hadii ay guuldaro kala kulmaan Tottenham kulan ka tirsan premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here