XASAASI: Wargayska L’Equipe Oo Qarxiyay Lama Filaan Ku Saabsan Raphael Varane & Man United Oo Ku Faraxday

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid Iyo xulka qaranka France ee Raphael Varane uu ka fiirsanayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid marka la gaadho xagaaga isaga oo aan ku qanacsanayn noloshiisa Real Madrid wixii ka dambeeya bilaha soo socda.

Daafaca ayaa haatan kula jira kooxda Real Madrid heshiis dhici doona xagaaga 2022 iyada oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa lacag dhan 200 oo milyan.

Wargayska reer France ee L’Equipe ayaa sheegaya in uu Varane ka fiirsanayo in uu isaga tago kooxda uuna heshiis cusub u saxiixin.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna markii ugu horaysay ahayn in uu Varane ka fikiro in uu isaga tago kooxda maadama uu sanadkii 2015/2016 isku dayay in uu isaga tago kooxda markii ay xiddigaha Ramos iyo Pepe kaga horeeyeen shaxda Real Madrid.

Varane ayaan wakhtigaas si fiican u ciyaarayn waxana lala xiriirinayay kooxda Man United kuwaas oo doonayay adeegiisa laakiin ugu dambayn waxa uu heshiis cusub u saxiixay kooxda.

Tan ilaa 2011 Varane ayaa Real Madrid kula guulatstay 2 La Liga, 4 Champions League, Supercopa De Espana, Copa del Rey, 3 European Super Cups iyo 4 Club World Cups.

Warkan ayay kooxda Man United si weyn ugu farxaysaa marka loo eego in ay bartilmaameedsanayeen xiddigan muddo aad u dheer.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here