XASAASI: Unai Emery Oo Ka Fiirsanaya In Uu Iska Iibiyo Alexandre Lacazette, Sabab

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa in uu ka fiiirsanayo in uu suuqa xagaaga iska iibiyo weeraryahanka Alexandre Lacazette si uu lacag ugu helo una xoojiyo boosaska kale ee kooxda.

Xiddiga reer France ayaa Arsenal ku soo biiray Xagaagii 2017 isaga oo kaga soo biiray lyon waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda isaga oo dhaliyay 12 gool 33 kulan oo uu xilli ciyaareedkan kooxda u saftay.

Tababare Emery ayay maamulka kooxdu u balan qaadeen kaliya lacag dhan 40 milyan oo euro marka la gaadho waxan uu doonayaa in uu iska fasaxo Ozil si uu u yareeyo mushaharka badan ee uu qaato.

Alexandre Lacazette ayaa Arsenal shaxdeeda ku bilowday 18 kulan oo premier Leagueu ah xilli ciyaareed inkasta oo la badalo qaybta dambe ee ciyaarta isaga oo si weyn uga xanaaqa badalka joogtada ah ee Emery.

Emery ayaa doorbida xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo uu si joogto ah u ciyaarsiiyo kana doorbido Lacazette.

Wargayska Football.London ayaa saaka sheegaya in uu tababare Emery isku diyaarinayo in uu iska iibiyo xiddiga reer France.

marka loo eego da,diisa oo 27 jir ah Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay aqbali doonto lacag ka yar midii 52 milyan ahayd ee ay xagaagii kula soo wareegtay si ay ugu xoojiso boosaska kale ee kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here