XASAASI: Saacado Kadib Guuldaradii Weynayd Ee Ka Soo Gaadhay Man City, Chelsea Oo Ku Dhaw In Ay Shaqada Ka Caydhiso Maurizio Sarri & Tababaraha Ku Meel Gaadhka Ah Oo La Ogaaday

0

Tababaraha kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa wajahaya in laga caydhiyo shaqada kooxda chelsea kadib guuldaradii weynayd ee ay kala kulmeen kooxda Man City kulan ka tirsanaa premier League.

Man City ayaa goolal kula wareegtay hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay nus darsin goolal ay kaga badisay kooxda chelsea taas oo Sarri ku sii dhawaanaysa in uu waayo shaqada chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa haatan u dhaadhacday kaalinta 4-aad kadib markii ay la kulmeen guuldaradeedii ugu weynayd muddo 28 sano ah.

Sarri ayaa qarka u saaran in uu boorsooyinkiisa ka qaato Stamford Bridge kadib guuldaradii 2-aad oo xiriir ah kulamada y Chelsea ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Blues ayaa guuldaro 4/0 ah kala kulantay Bournemouth kulankii ka horeeyay Man City iyada oo Blues ku fashilantay in ay wax gool ah dhaliso 4-tii kulan ee ugu dambeeyay premier League ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda sanadka 2019.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea bilowday tababare ay qaab ku meel gaadh ah ugu dhiibto shaqada kooxda.

Tababarihii hore ee kooxda chelsea ee Gus Hidink ayaa la sheegayaa in uu ugu cad-cadyahay in uu qaab ku meel gaadh ah Maurizio Sarri shaqada uga badalo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here