XASAASI: Real Madrid Oo Ku Dhaw Saxiixa Eden Hazard, Wakhtiga La Dhamaystiri Doono Heshiiska & Faah-Faahintiis

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mid ugu dambayn helaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Dalka Spain.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro kooxda Real Madrid iyada oo heshiiska uu ugu biirayo Los Blancos la dhamaystiri karo maalmaha yar ee soo socda.

Saddexda qayboo dee chelsea, Real Madrid iyo xiddiga laftiisa ayaa ku dhaw in ya heshiis buuxa gaadhaan xiddiga reer Belguim uu u duuli doono Madrid isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 6 sano ah.

Zinedine Zidane ayaa ogolaasho siiyay si ay maamulka kooxdiisu u dhamaystiraan saxiixa xiddiga isaga oo isku shaanadhayn weyn ku samayn doona kooxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hazard ayaa noqon doona saxiixii 2-aad ee ay kooxda Real Madrid samayso ka hor furitaanka suuqa xagaaga iyaga oo wakhti hore la soo saxiixday xiddig daafaca ka ciyaara.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here