XASAASI: Qorshaha Juventus Ay Real Madrid Uga Soo Afduubanayso Marcelo Oo La Ogaaday

Kooxda Juventus ayaa ka dhabaynaysa xiisaha ay u qabaan xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo sida ay sheegayaan wararku.

Juventus ayaa Marcelo ku dalban doonta lacag dhan 45 milyan oo euro sidoo kale diyaar ula ah heshiis uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 12 milyan oo euro sida laga soo xigtay Tuttosport.

Xiisaha ay Juventus u qabto xiddiga reer Brazil ayaan ahayn mid cusub waxana ay aaminsan yihiin in ay helitaanka xiddiga ka caawin doonto xiriirka xoogan ee uu xiddigu la leeyhay Cristiano Ronaldo.

Sida laga soo xigtay wargayska Tuttosport Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay saxiixa xiddiga u dhaqaaqdo suuqa Xagaaga.

Waxa la rumaysan yahay in ay Real Madrid miiska u saari doonto 45 milyan oo lacag ah halka ay Marcelo sanadkii jeebka ugu shubi doonto 12 milyan oo euro.

Juventus ayaa dhanka kale suuqa dhigtay xiddiga Alex Sandro kaas oo ay u badantahay in uu u dhaqaaqi doono Premier League oo uu xiiso ka helayo kooxaha Man City, Man United iyo Chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here