XASAASI: Paul Pogba Oo Telefoonka Kula Xidhiidhay Juventus & Wixii Uu Kala Hadlay Oo Banaanka La Soo Dhigay

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Mnan United ee Paul Pogba ayaa lagu soo waraayaa in uu Telefoonka kula xiriiray kooxda Juventus si uu isugu dayo in uu uga tago Man United sida ay sheegayaan wararku.

Paul Pogba ayay doonaysaa kooxda Juventus xilli uu xiddiga reer France jecelyahay in uu ku laabto Turin.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa Old Trafford kaga biiray kooxda Juventus sanadkii 2012 isaga oo kooxda reer Italy ku qaatay 4 xilli ciyaareed kulana guulaystay 4 horyaal oo Serie A-da ah.

Waxa uu Man United ku soo laabtay xagaagii 2016 isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda laakiin ku dhawaad 3 sano waxa dib u bilowday wararka la xiriirinaya ku laabashada Juventus.

Pogba ayaa ku dhibaatooday United markii uu joogay Jose Mouronho Laakiin dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa tan ilaa markii uu kooxda si ku meel gaadh ah ula wareegay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa sheegaya inkasta oo uu jose Mourinho ka tagay kooxda hadana xiddiga ayaa doonaya in uu isaga tago Old Trafford.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Pogba si toos ah Telefoonka ugula hadlay Juventus suuqii January si uu ugu sheego in uu doonayo in uu ku laabto Turin.

Si kasta ha ahaatee Juventus ayaa doorbiday in ayna wax dhalab ah ka gudbin xiddiga reer France intii lagu jiray suuqii January.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here