XASAASI: Paul Pogba Oo Qaaday Talaabo Uu Man United Ugu Qasbayo In Ay Ka Iibiso Real Madrid

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa qaaday talaabadii ugu horaysay ee uu ugu biirayay kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dheexe ee Paul Pogba ayaa diiday in uu dhamaystiro Fiisaha kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay kooxda Man United ugu duuli doonto qaarada Asia.

Wargayska SunSport ayaa sheegaya in wakiilka xiddiga ee Mino Raiola uu kansalay kulankii uu la lahaa maamulka kooxda si looga wada hadalo heshiis kordhinta xiddiga khadka dhexe.

Kooxda Real Madrid ayaa la rumaysan yahay in ay ku kalsoontahay in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga 26 jirka ah marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Los Blancos ayaa war fiican oo kale ka heshay xaalada xiddig kadib markii uu diiday in uu ka qayb qaato kulamada isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka cusub ee bariga dhexe.

Xiddiga khadka dhexe ayaa diiday in uu qaato fiisaha u ogolaan doona in uu kooxda intooda kale ula safro Bariga dhexe kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa halkaas kula ciyaari doona kooxaha Inter Milan iyo Tottenham kulamo ka tirsan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here