XASAASI: Paul Pogba Oo Isaga Tagi Doona Man United, Sababta & Kooxda Uu Ku Biiri Doono

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa isaga tagi doona kooxda Man United kuna laaban doona Juventus xagaaga hadii ay Red Devils ku fashilanto in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer France ayaa lala xiriirinayaa in uu isaga tagayo Old Trafford kuna laabanayo Turin muddo bilo ah gaar ahaan intii uu kooxda hogaaminayay jose Mourinho.

Tababaraha iyo xiddiga ayaa lahaa xiriir xun sanadkii hore iyada oo ay dad badan filayeen in wakhtigii Pogba ee United soo dhamaaday.

Laakiin Jose Mourinho ayaa laga caydhiyay shaqada United isaga oo loo dhiibay Ole Gunnar Solskjaer kaas oo xiddiga dib ugu soo celiyay kana dhigay xiddiga ugu muhiimsan.

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu 25 jirka reer France ku laaban doono Juventus xagaaga hadii ay United ku dhamaysan waydo 4-ta kooxood ee u soo baxaya champions league xilli ciyaareedka dambe.

United ayaa kaliya hal dhibic ka dambaysa Arsenal oo ku jirta kaalinta 4-aad laakiin waxa ay wajahayaan kulamo adag iyaga oo la ciyaari doona kooxaha Chelsea, Arsenal iyo waliba Man City.

Sidaas darteed hadii ay United u soo bixi waydo Champions League xilli ciyaareedka dambe xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa isaga tagi doona kooxda kuna biiri doona Juventus xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here