XASAASI: Neymar Oo Si Maldahan U Sheegay In Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Real Madrid.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa dabka ku sii shiday wararka la xiriirinayaa kooxda Real Madrid.

Neymar ayaa sheegay in uu xiddig kasta oo kubada cagta ah rabo in uu u ciyaaro Real Madrid laakiin sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxda PSG.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka tagay kooxda Barcelona xagaagii 2017 isaga oo tan ilaa haatan lala xiriirinayo ku soo laabashada La Liga.

Isaga oo la hadlaya saxaafada xilli uu joogay Brazil ayuu Neymar ka hadlay suurgalnimada uu ugu biiri karo Real Madrid.

“Hadii aan doonayo in aan u ciyaaro Real Madrid”, waa koox ka mid ah kooxaha uu waaweyn adduunka”ayuu u sheegay Globo Tv.

“Xiddig kasta oo lala xiriiriyo Rela Madrid waxa uu xiisayanayaa in uu u ciyaaro kooxdaas”.

“Anigu kama hadlayo u ciyaarista Madrid haatan is dajiya”ayuu Neymar yidhi.

“Haatan waxa aan ku faraxsanahay kooxda PSG laakiin Mustaqbalka ma jirto cid garanaysa”.

“Sida iska cad Real Madrid waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka waxa aan u hayaa Ixtiraam Weyn laakiin haatan waxa aan ku faraxanahay PSG”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here