XASAASI: Man United Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Luis Suarez & Faah-Faahinta Heshiiska Ay Diyaarka Ula Yihiin Oo La Ogaaday

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa qarxiyay warar lama filaan ah kuwaas oo shaaca ka qaaday qorshaha kooxda Man United doonayso in ay Barcelona uga afduubato weeraryahanka Luis Suarez.

Wargayska elgoldigital ayaa sheegaya in ay kooxda Man United doonayso saxiixa Luis Suarez waliba in ay helaan marka la gaadho suuqa xagaga.

Weeraryahanka reer Urugauy ayaa horay uga soo ciyaaray premier league isaga oo soo xidhay maaliyada Liverpool intii u dhexaysay 2011 ilaa 2014 ka hor intii uuna ku biirin Barcelona.

Wargayska ayaa sheegaya in ay maamulka Red Devils si aad ah u doonayaan in ay 32 jirkan ku soo celiyaan mar kale premier League xilli ciyaareedka dambe.

Warka ayaa intaas ku daraya in ay Man United diyaar ula tahay in ay xiddiga ka saxiixato heshiis 3 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono.

Xiddiga khabiirka ah ayaa dhankiisa si aad ah uga fiirsanaya in uu ku soo laabto premier League maadama ay Barcelona haatan badalkiisa suuqa ka raadinayso.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here