XASAASI: Lionel Messi Oo Dhaawac Soo Gaadhay & Idaacada Cadena COPE Oo Kashiftay Intii Uu Qabay Dhaawacaas

Idaacada Cadena COPE ayaa shaaca ka qaaday dhaawac lama filaan ah oo ku soo baxay kabtanka xulka qaranka Argentine iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Cadena COPE ayaa sidoo kale kashiftay go,aanka Lionel Messi uu kaga qayb qaadan karo kulanka uu xulka qarankiisa Argentine la ciyaari doono xulka Venezuela.

Xulka qaranka Argentine ayaa la ciyaari doona xulka Venezuela maalinta jimcaha kulan saaxiibtinimo ah kana dhici doona garoonka Atletico Madrid.

Sida laga soo xigtay idaacada Cadena COPE, Lionel Messi ayaa xanuun ka dareemayay Canqawga tan ilaa bilowgii bishii January ee la soo dhaafay.

Inkasta oo uu xiddigu dhaawac ka dareemayay booskaas hadana kamay hor istaagin in uu u ciyaaro kooxdiisa Barcelona isaga oo si buuxda ugu ciyaaray.

Laakiin xiddiga ayaa dhamaystiran kari waayay tabaabrkii xulka qarankiis Argentine ee salaasadii isaga oo ka baxay tababarka.

Idaacada ayaa sheegaysa in ay u badantahay in uuna Lionel Messi ciyaari doonin kulanka uu xulka qarankiisu la ciyaari doono xulka Venezuela.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here