XASAASI: Jose Mourinho Oo Juventus Ka Caawin Kara Saxiixa Sergio Ramos

Waxa si weyn loo filayaa in uu tababare Jose Mourinho ku soo laabto shaqada tababaranimo ee kooxda Real Madrid isaga oo booska ka badali doona tababare Santiago Solari.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaan xiriir fiican la lahayn jose Mourinho kaas oo horay tababare ugu soo noqday Real Madrid intii u dhexaysay 2010 ilaa 2013.

Sida laga soo xigtay wargayska Dialy Mail Soo laabashada Jose Mourinho ayaa da-dajin doonta ka tagista Real Madrid gaar ahaan isku dhicii ugu dambeeyay ee isaga iyo madaxweynaha Real Madrid.

Shabakada Euro Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus tahay kooxda ugu cad-cad ee uu ku biiri karo Ramos hadii uu ka tago Real Madrid.

Real Madrid ayaa la filayaa in ay isku shaandhayn weyn ku samayso kooxda xagaaga iyada oo xiddigo badan oo cusub la keeni doono qaar kalena la fasaxi doono.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here