XASAASI: Gareth Bale Oo Khatar Ugu Jira In Ganaax 12 Kulan Ah Gadhka Loo Galiyo, Sabab

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa wajahaya ganaax 12 kulan ah sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Dalka Spain.

Xiddiga reer Wales ayaa khatar ugu jira in uu la kulmo ganaax 12 kulan ah kadib dabaal degii uu sameeyay kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid.

Gareth Bale ayaa sameeyay dabaal deg mamnuuc ka ha dalka Spain kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid kulankii Derby Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in xiriirka Spain fureen baadhitaan ay ku baadhayaan dhacdada taas keeni karta in xiddiga laga ganaaxo 12 kulan.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Real Madrid maadama uu xiddigu muhiim ka yahay qorshaha tababare Santiago Solari ee xilli ciyaareedkan.

Taas ayaa la macno ah in uu Gareth Bale seegi karo kulamo uu ugu Weyn yahay kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga ay Real Madrid la ciyaari doonto Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here