XASAASI: Gareth Bale Oo Khatar Ugu Jira In Gadhka Loo Galiyo Ganaax 10 Kulan Ah, Sabab

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa khatar ugu jira in ganaax dusha laga saaro kadib dabaal deg uu sameeyay kulankii Atletico Madrid markii uu goolka dhaliyay.

Gareth Bale ayaa dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa Real Madrid kulankii Derby Madrid kaas oo ay Los Blancos ku badisay 3/1.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in xiriirka Spain uu baadhitaan ku furi doono dabaal deg uu sameeyay xiddiga reer Wales markii uu dhaliyay.

Gareth Bale ayaa isku laabay gacantiisa Midig kadib gacantiisa kale dhex galiyay isaga oo waliba u jeediyay dhanka taageerayaasha Atletico Madrid.

Calaamadaas ayaa la macno ah joojiya gumaysiga waana calaamad mamnuuc ka ah in laga tilmaamo dalka Spain taas oo keenaysa in uu xiddigu khatar ugu jiro Ganaax.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in xiddiga reer wales gadhka loo galin doono ganaax 10 kulan ah hadii lagu helo dambiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here