Xasaasi: Cod Uu Radja Nainggolan Ku Sheegayo In Uu Doonayo Ku Laabashada Roma Oo La Helay

0

Xiddiga khadka dhexe ee Radja Nainggolan ayaa u muuqda mid ku dhaw in uu ka tago kooxda Inter Milan kadib markii ay bateen dhibaatooyinku tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray.

Radja Nainggolan ayaa haatan ganaax kaga maqan kooxdiisa kadib markii ay kooxdu u ganaaxday dhaqan xumo uu sameeyay isaga oo kulankii ugu dambeeyay ee Chievo ku seegay ganaax.

Wargayska Football Italia ayaa maanta helay cod uu xiddiga reer Belguim ku sheegayo in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Inter Milan marka la gaadho suuqa Janaury.

Radja Nainggolan ayaa codkaas ku sheegay in uu doonayo in uu ku laabto kooxda Roma oo uu u soo ciyaaray muddo dheer ka hor intii uuna xagaagii ku biirin kooxda Inter Milan.

Xiddiga ayaa muhiim ka ahaa shaxda kooxda Inter Milan ee xilli ciyaareedkan laakiin Inter Milan ayaa haatan ganaax dusha ka saartay kadib markii uu xiddigu ku dhaqaaqay talaabooyin dhaqan xumo ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here