XASAASI: Barcelona Oo Dalab Aad U Sareeya Ka Gudbinaysa Marcus Rashford & Hal Arin Oo Ay Ka Faa,iidaysanayso

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay xagaaga 100 Milyan oo euro kula saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford.

Barca oo guul 1/0 ah ka gaadhay Man United kulankii lugtii hore ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League ayaa xiddiga reer England u calaamadsatay bartilmaameedkeeda 1-aad ee xagaaga.

Rashford oo uu hal sano uga hadhsan yahay heshiiskiisa Man United inkasta oo ay hal sano oo dookh ah haysato Man United ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa inkasta oo ay bilod wadahadalo kula jirtay.

Barca ayaa ku rajo weyn in ay ka faa,iidaysato in uuna Rashford heshiis u saxiixin Man United una dhaqaaqdo adeegiisa marka la gaadho suuqa xagaaga xilli ay Real Madrid sidoo kale xiiso u qabto 21 jirkan.

Man United ayaau soo bandhigtay Rashford heshiis uu todobaadkii ku qaadanayo 300 kun oo Gini si ay meesha uga saarto xiisaha kooxaha kale xilli uu tababare Ole Gunnar Solskjaer si weyn ugu tiirsan yahay xiddiga.

Arintaas ayaan hor istaagi doonin Barca oo doonaysa in ay iska fasaxdo qaar ka mid ah xiddigaha kooxdeeda sida Xiddigii hore ee Liverpool ee Philippe Coutinho oo ay badantahay in uu ka tago kooxda xagaaga si ay kooxdu lacagtiisa ugu xoojiso kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here