XASAASI: Arsenal Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Soo Xero Galinta Ivan Perisic.

Kooxda Arsenal ayaa talaabo weyn oo muhiim ah u qaaday soo xero galinta xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Ivan Perisic sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Ivan Perisic la meel dhigtay heshiiska Shaqsiga ah sida ay sheegayaan wararku.

Sida laga soo xigtay Libero, Perisic ayaa ogolaaday in uu qalinka ku duugo ilaa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan kaas oo ah heshiis amaah ah oo uu ku qaadan doono 6.5 milyan euro.

Kadib marka uu dhamaysto 6-da bilood ayuu xiddigu qalinka ku duugi doonaa heshiiska uu sida Rasmiga ah ugu biiri doono kaas oo dhan ilaa xagaaga 2022 isaga oo sanadkii ku qaadan doona 3 milyan euro marka laga reebo cashuurta.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin kooxdiisa Inter Milan kuwaas oo doonaya in ay ku iibiyaan 35 milyan oo euro dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa intaas sheegaya in uu Perisic diyaar u yahay in uu wax walba u sameeyn doono sidii uu Inter Milan ugu riixi lahaa in uu ku biiro Arsenal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here