XASAASI: Alexis Sanchez Oo Qaadaya Talaabada Mesut Ozil Ku Hayo Arsenal

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu diido in ay kooxda Man United iibiso suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Chile ayaa dhaawac ku seegi doona 6 todobaad ee soo socda kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay kulankii Southampton ee todobaadkii hore.

Xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu United kaga soo biiray Arsenal isaga oo ka dambeeya xiddigaha Marcus Rashford & Romelu Lukaku.

Waxana la sheegayaa in ay Man United doonayso in ay iska iibiso xiddiga si ay isaga yarayso mushaharka waalida ah ee uu ka qaato kooxda ee ku dha 500 kun ee Gini todobaadkii.

Laakiin xiddiga aya lagu soo waramayaa in uu diidi doono in uu ka tago kooxda xitaa hadii ay Man United miiska u saarto dhamaan mushaharka uu ku leeyahay kooxda inta ka dhiamn heshiiskiisa.

Sanchez ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Man United iskana indha tiro dalab kasta oo u yimaada si uu u sii joogo kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here