XAQIIQOOYIN CAJIIB AH: Maxay Wadaagaan Kylian Mbappe Iyo Barack Obama? Xaqiiqooyin Kaa Yaabinaysa Oo Sintay Madaxweynihii Maraykanka Iyo Xiddiga PSG

0

Wuxuu kusoo baxay qaab mucjiso ah oo isagoo ay da’diisu yartahay uu sida qorraxda mar kaliya u iftiimiyey kooxdiisii hore ee Monaco oo awood u yeelatay inay ku guuleysato horyaalka, dirqina lagaga faro-maroojiyo Champions League, laakiin looma deynin ee markiiba waxa dhaqaale badan dul dhigtay PSG oo uu hadda yahay gool-dhaliyaheeda koowaad.

Kylian Mbappe, toddobaadkan ayuu 20 jirsaday, isaga oo kusoo guuleystay Koobka Adduunka, Ligue 1, French Cup iyo abaalmarino shaqsi ah oo badan, waxaana uu durba ku biiray liiska halyeeyada dunida cagta, isaga oo la barbar-dhigay boqorkii kubadda cagta ee Pele oo sidiisa oo kale u damaashaaday Koobka Adduunka iyadoo da’diisu ka hoosaysa 20 sannadood.

Xirfaddiisa kubadda cagta oo kali ah caan kuma ah, laakiin waxa uu kasbaday heer la barbar-dhigo madaxweyneyaal, sida Barack Obama oo aanay midabka oo kaliya iska shabbihin laakiin ay wadaagaan arrin uu madaxweynaha hore ee reer Maraykankan dunida ku qabsaday ka hor intii aan loo dooranin aqalka cad oo uu fadhiyey siddeed sannadood kaddibna ku wareejiyey Donald Trump.

Waxay u muuqataa mid layaab ah marka ciyaartoy hadda dunida soo galay oo carruur ah la barbar-dhigo madaxweyne Maraykanka soo maray, waxaana markiiba maskaxdaada kusoo dhacaysa muuqaalkooda duleed amaba midabkooda, laakiin xaqiiqada iyo xogta ay wadaagaan taas maaha.

Difaaca ay isku waddanka yihiin ee hadda u ciyaara Manchester City ee Benjamin Mendy, waxay ka soo wada ciyaareen Monaco oo kooxdii mucjisada ee daadka ahayd ee la bililiqaystay ay ku wada jireen, laakiin uguma yeedho magaciisa caadiga ah. Marka uu Mendy u yeedhayo Mbappe, waxa uu ugu yeedhaa “Obama-hayga yar”.

Difaacan oo kaliya magacan masoo qabsanin, waxaase ku raacsan dad badan oo kale oo weliba sababta uu ku kasbadayna hoosta ka xariiqay, laakiin waxaad u baahan tahay inaad si fiican u wada akhrisato warbixinta si aad xaqiiqada u hesho.

Philippe Tournon oo muddo 35 sannadood ah ka shaqaynayey xafiiska wararka ee xulka qaranka France, laakiin horraantii sannadkan hawlgab ka noqday, ayaa waxa uu sheegay in aanu weligii arag shaqsi la mid ah Mbappe, waxaanu si kooban u yidhi: “Waxa jira ciyaartooyo badan oo makarafoonka iyo kamaradda telefishanka u haysta aalad qiqaab ah (ka baqda), laakiin waxaad ku arkaysaa Kylian Mbappe qosol iyo awooddiisa dabiiciga ah ee uu wax ku sharraxayo oo uu su’aal kasta kaga jawaabo si faahfaahsan. Waxa jira ciyaartooyo jira 22, 25, ama 30 oo dhibaato ka haysato shirarka saxaafadda, laakiin waxa jira da’yar soo baxay oo isagoon dhibaato dareemaynin, si waafi ah, daacadnimo ah oo caddaan ah u sheegaya wax walba. Weligay maan arag qof sidan oo kale ah oo da’diisa ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here