XAQIIQO: Paul Pogba Oo Kaligiis Ka Fiican Dhamaan Xiddigaha Khadka Dhexe Ee Liverpool & Xog Muujinaysa

Taageerayaasha Kubada cagta ayaa isku diyaarinaya soo laabashada horyaalka premier League dhamaadka todobaadkan oo la ciyaari doono todobaadkii 27-aad.

Waxa si weyn loo sugayaa kulanka Axada dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Man United kana dhici doona garoonka Old Trafford.

Ka hor Kulanka sida weyn loo sugayo shabakada Squawka ayaa is bar-bar dhig ku samaysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba iyo xiddigaha khadka dhexe uga ciyaara Liverool.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa qaab ciyaareed wareer ah ku jiray tan ilaa markii uu jose Mourinho ka tagay kooxda isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Paul Pogba ayaa caawiye ka noqday 8 gool premier League xilli ciyaareedkan isaga oo ka badan xiddigaha Georginio Wijnaldum, Jordan Henderson, James Milner, Naby Keita iyo Fabinho kuwaas oo dhamaantood caawiye ka noqday 7 gool.

Waxa xusid mudan in ay kooxda Man United la kulantay hal guuldaroo tan ilaa markii uu Solskjaer noqday tababaraha Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here