XAQIIQO: Man City Oo 4 Kulan Oo Kaliya Looga Dhaliyay Goolal Ka Badan Goolasha Laga Dhaliyay Liverpool Xilli Ciyaareedka Oo Dhan

Kooxda Man City ayaa ku jirta wakhti adag todobaadyadii ugu dambeeyay horyaalka premier league kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa premier league.

Wiilasha Pep Guardiola ee Man City ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad oo xiriir ah iyo guuldaradii 3-aad 4-tii kulan ee ugu dambaysay horyaalka premier League.

City ayaa kulankii Leicester City kala baxday xaqiiqo la yaab leh kadib markii laga dhaliyay 2 gool kuwaas oo Leicester City ka caawiyay in ay garaacdo kooxda difaacanaysa horyaalka.

Xaqiiqada ayaa ah in Man City laga dhaliyay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay goolal ka badan kuwa laga dhaliyay liverpool ilaa haatan xilli ciyaareedka Premier League.

Kooxda Man City ayaa laga dhaliyay 8 gool 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Kooxaha Chelsea (2), Crystal Palace (30, Leicester City (2) Iyo Everton (1).

Halka Kooxda Liverpool laga dhaliyay 7 gool 19 kulan oo ay ciyaareen ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here