XAQIIQO: Hadal Uu Jose Mourinho Yidhi Intii Uu Joogay Man United Oo Dhab Noqday Kadib Guushii United Ee Fulham.

0

Kooxda Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 26-aad.

Goolal ay dhaliyeen Paul Pogba (2) iyo Anthony Martial (1) ayaa Man United ka caawiyay in ay gaadho guul ka caawisay in ay gasho kaalinta 4-aad.

Kadib guushaas waliba markii ay United gashay kaalinta 4-aad waxa dhab noqotay hadal iyo waliba balan qaad uu sameeyay jose Mourinho intii uu joogay Man United.

Red Devils ayaa si weyn u dhibaatootay bilowgii xilli ciyaareedkan iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed aad u xun.

United ayaa la kulantay 5 guuldaro iyo 5 bar-baro qaybtii hore ee xilli ciyaareedka taas oo keentay in shaqada laga caydhiyo Mourinho.

Laakiin ka hor intii aan shaqada laga caydhin jose Mourinho ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ay Man United ku soo laaban doonto kaalmaha 4-ta ah ee ugu sareeya horyaalka premier League.

“waxan u malaynayaa dhamaadka December oo ah dhamaadka qaybta hore ee xilli ciyaareedka waxa aan ku jiri doonaa boos ka fiican midka haatan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Inkasta oo uuna Jose Mourinho joogin Man United hadana waxa dhab noqotay hadalkii jose Mourinho iyada oo Man United soo gaadhay kaalinta 4-aad.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here