Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay United La Xidhiidhay Zidane Si Ay Ugu Badasho Mourinho Oo La Ogaaday

0

Wararka ka imanaya England ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqada la xiriirista kooxda Man United ee Tabaabrihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane si uu u badalo tababarihii shaqada laga caydhiyay ee Jose Mourinho.

Man United ayaa shaqada ka caydhisay Jose Mourinho salaasadii kadib markii ay kooxdu soo bandhigtay qaab ciyaareed liita xill ciyaareedkan.

Wararka ayaa tababare Zidane la xiriirinayay in uu shaqada ka badali doono Mourinho iyada oo la sheegayay in ay Man United haatanba la xidhiidhay tababare Zidane.

Laakiin wargayska manchestereveningnews ayaa sheegaya in ayna Kooxda Man United wax xiriir ah la samayn Zidane tan ilaa haatan.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ayna Xitaa Man United wali ka fikirin in ay u dhaqaaqdo Zidane si ay ugu badasho Mourinho maadama ayna Wali ku qanacsanayn awoodiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here