Xafiiska Saadaaliyayaasha Kubada Cagta Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League

0

Wargayska Mundo Deportivo ayaa saadaaliyay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Isku aadka tartanka 8 dhamaadka ayaa shalay la sameeyay iyada oo ay ka soo bexeen kulamo adag oo waaweyn waliba xiiso leh.

Isaga oo soo xiganaya saadaaliyayaasha Kubada cagta Wargayska Mundo Ayaa sheegay in ay kooxda Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League iyaga oo ka horeeya kooxda Barcelona oo kaalinta 2-aad ku jirta.

Shirkada saadaalisa kubada cagta ayaa sheegtay in ay Man City markii ugu horyasay ku guulaysan doonto champions League xilli ciyaareedkan taariikhdooda.

Man City ayaa ku aaday kooxda Tottenham wareega 8 dhamadka champions League iyada oo sidoo kale la ciyaari doonta Juventus Ama Ajax Semi-finalka tartanka.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa 3.25 loogu qiimeeyay ku guulaysiga tartanka halka ay kooxda Barcelona oo kaalinta 2-aad ku jirta loogu qiimeeyay 4.33.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here