Xaalada Ku Soo Kordhay Mustaqbalka Saul Niguez Oo Heegan Galisay Kooxaha Man United, Man City Iyo Barcelona

Kooxda Atletico Madrid ayaa dagaal u gali doonta haysashada xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Saul Niguez kaas oo ay doonayaan saxiixiisa kooxaha Manchester United, City Iyo Barcelona.

Niguez ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan waxana uu bartilmaameed u noqday kooxo badan oo reer yurub ah.

Koox walba oo rajaynaysa saxiixa 24 jirkan ayuu war fiican u yahay in uuna xiddigu ku faraxsanayn kooxda ku ciyaarta garoonka Wanda Metropolitano sida laga soo xigtay wargayska As.

Niguez ayaa la sheegayaa in uu ka mid yahay xiddigo badan oo aan ku faraxsnayn mushaharka uu ka qaato kooxda ee dhan 90 kun ee Gini todobaadkii halka uu Antoine Griezmann qaato lacag dhan 300 kun oo Gini.

Warkan ayaa ah mid ay ku faraxayaan kooxaha Barca, United iyo City kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda marka la gaadho xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa Niguez u doonaya in uu ku buuxiyo booska Fernandinho kaas oo noqday xiddig da, ah laakiin xiddiga khadka dhexe ayaan lacag jaban lagu heli doonin maadama uu sanadkii 2017 saxiixay heshiis 9 sano ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here