Wixii Uu Philippe Coutinho Yidhi Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Barcelona Oo Gabi Ahaan Meesha Ka Saari Doona In Uu Ku Biiro Man United

Ka Hor Inta uuna u saxiixin Barcelona ayuu yidhi” Waxa ay ahayd wakhti adag, 3 ilaa 4 bilood haatana waa la dhameeyay, waxan u malaynayaa in aan dhawaan la tababaran doono saaxiibadayda cusub”.

“Liverpool waxa ay qabatay wax walba oo ay awoodeen si ay ii haystaan waxana ay isku dayeen in ay i joojiyaan laakiin waxa ay ugu dambayn fahmeen in ay tahay riyadayda”.

Kadib markii uu saxiixay heshiiska ayuu yidhi” Nabadeey, taageerayaasha Barca, waxa aan haatanba joogaa halkan, waa riyo ii rumaywday waxana aan rajaynayaa in aan bari idin arko”.

Sidaas darteed Coutinho ayaa u ciyaarista Barcelona ku tilmaamay Riyo marar badan waxana uu rumeeyay riyadiisa markii uu ku biirsay.

Markaas way adagtahay in uu si dhib yar isaga dhiibo u ciyaarista Kooxda riyadiisa isaga oo aan u dagaalamin booskiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here