“Wixii Uu Cristiano Ronaldo Sameeyay Waxa Ay Ahayd Cajiib”:- Lionel Messi Oo Amaan Ugu Qubeeyay Cristaino Ronaldo

0

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kooxdiisa Barcelona u dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale kulankii ay Barcelona garaacday kooxda Lyon.

Laakiin xiddiga reer Argentine ayaa amaanay xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo kaas oo ku sheegay in uu soo qaatay todobaad cajiib ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay saddexley kulankii ay kooxda Juventus garaacday Atletico Madrid uguna soo baxday wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kadib kulankii Lyon ayaa Leo Mess wax laga waydiiyay qaab ciyaareedkii xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Salaasadii.

“Wixii ay Cristiano Ronaldo & Juventus sameeyeen waxa ay ahaayeen wax cajiib ah”ayuu Yidhi ciyaarta kadib.

“Waxa aan filayay in ay Atletico Madrid adkaan doonto”.

“Ronaldo waxa uu soo qaatay Habeen sixir leh oo uu dhaliyay 3 gool”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here