Willian, Rashford, Eriksen, Koulibaly, Joao Felix, Pogba, Dyabal & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solksjaer ayaa la siin doonaa lacag dhan 200 oo Milyan oo euro si uu kooxda ugu xoojiyo marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (Express).

Kooxda Man City ayaa Man United kula biirtay daafaca Midig ee kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka kaas oo ay doonayaan adeegiisa suuqa xagaaga (Mail).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay saddex jibaarto mushaharka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen si ay u hesho adeegiisa (Mirror).

Waxa ay sidoo kale bartilmaameedsanayaan daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly kaas oo lagu helayo lacag dhan 1010 milyan oo euro (Express).

Kooxda Barcelona ayaa mar kale isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian (Telegraph).

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay iibiso xiddiga Paulo Dybala si ay lacagtiisa ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Benfica ee Joao Felix (Tuttosport).

Kooxda Benfica ayaa diiday dalab 75 Milyan oo euro ah oo ay kooxda Juventus ku doonaysay saxiixa xiddiga Joao Felix (O Jogo).

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee  Mauro Icardi ayaa lagu heli karaa kaliya lacag dhan 60 Milyan oo euro marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (As.com).

Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay xiddiga Paul Pogba u soo bandhigto kabtnimada kooxda iyo waliba heshiis cusub si ay uga hor istaagto ku biirista Real Madird (Mirror).

Kooxda Barcelona ayaa isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic iyaga oo awoodooda isugu gayn doona weeraryahanada Marcus Rashford & Antoine Griezmann (Mundo Deportivo).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Luka Modric ayaa diiday in uu isaga tago kooxda Real Madrid (Twitter).

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis 5 sano ah u soo bandhigtay daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt xilli ay doonayso in ay adeegiisa ku guulaysato (Sport).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here