Willian Oo Kashifay Wixii Uu Ku Yidhi Gonzalo Higuain Ka Hor Intii Uuna Laagan Rikoodhada Kulankii Xalay

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian ayaa shaaca ka qaaday wixii uu u sheegay Saaxiibkiisa cusub ee Gonzalo Higuain ka hor intii uuna kooxdiisa u dhalin rikoodhada kulankii Sheffield Wednesday tartanka FA Cup-ka.

Willain ayaa qirtay in uu xiddiga Gonzalo Higuain u soo bandhigay fursad uu ku laagto rikoodhadii kulankii Sheffield Wednesday.

Xiddiga reer Brazil ayaa goolasha fursay kulankii ay Chelsea Stamford Bridge ku garaacday kooxda Sheffield Wednesday kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Higuain ayaan dhankiisa wax gool ah dhalin ka hor intii aan ciyaarta laga saarin laakiin Willain ayaa sheegay in uu u soo bandhigay in uu laagto rikoodhada.

Waxa uu ChelseaTv Waydiiyay in uu Higauin waydiistay in uu laagto rikoodhada intii lagu jiray kulanka” Maya, Aniga ayaa doonayay in uu laagto”ayuu Willian sharaxay.

“Waxana uu igu yidhi, Adigu laago, laakiin anigu waxa aan doonayay in uu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay xalay laakiin way iman doontaa dhawaan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here