Willain Oo Kashifay Go,aanka Chelsea Ee Mustaqbalka David Luiz, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willain ayaa kashifay mustaqbalka xiddiga ay isku xulka iyo kooxda yihiin ee David Luiz.

Heshiiska David Luiz ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan maamulka chelsea ayaan wali la furin wadahadalo heshiis kordhin ah inkasta oo uu xiddigu muhiim ka yahay shaxda Maurizio Sarri.

Willain oo la hadlaya shabakada Sky Sport ayaa yidhi”Waa in aanu sugno go,aanka kama dambaysta ah ee David Luiz ee kooxda laakiin waxa aan u malaynayaan in ay doonayaan in uu sii joogo kooxda aniguna sidaas ayaan doonayaa”.

“David waa xiddig leh khibrad weyn iyo waliba tayo cajiib ah kuna fiican qaab ciyaareedka kooxda gaar ahaan baaskiisa cajiibka ah taas oo uu muujiyay kulankii Crystal Palace markii uu goolka ka caawiyay Kante”.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku soo laabtay kooxda chelsea xagaagii 2017 kadib markii uu ka tagay kooxda muddo 2 sano ahna ku qaatay kooxda PSG.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here