West Ham Oo Bar-bar Dhac Min Hal Gool Ah Ku Qabatay Liverpool , Hadiyad Qaali Ah Ayay U Direen Man City

0

West Ham United iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah ka dib kullan xaraarad lahaa oo aysan Liverpool ku soo muuqan awooddii lagu yaqiinay .

West Ham ayaa ku soo muuqatay hanaan ciyaareed wacan waxa ayna qadaayeen weerar balse Liverpool waxaa ka maqneyd xaararadda kubadda inkastoo mararka qaar ay cagtooda ku badneyd .

Xilli xaalkaas sidaas yahay ayay Liverpool heleen gool dood dhaliyay oo ay taageerayaasha iyo falaanqeeyaal ku tilmaameen in uu Offside ahaa waxaana saxiixay Mane daqiiqadii 22-aad .

Kooxda martida loo ahaa niyad jab kama aysan qaadin goolkaas waxa ayna kubadda la qeybsnaayeen Liverpool xilli daqiiqaddii 28-aad ay heleen goolka bar bar dhaca ka dib kubad free Kick aheyd waxaana si cajiib ah loogu baasay Michail Antonio kaasi oo dhowr xididg Liverpool in uu gees maray kubaddiisana sii jitay waliba ku hubsaday shabaqa wax ayna aheyd daqiiqaddii 28-aad .

Liverpool , qeybtaas hore Mohamed Salah ma muuqan , xittaa laad uu sameeyay ma jirrin mana uusan ka ciyaareyn booskiisa caadiga ahaa lamana ciyaarsiin weerarka bugta ah waana tan keentay in uu dhaqaaqi waayo maadaama daafac adag uu hor taagnaa .

Marka guud ahaan la eego hanaan ciyaareedka Liverpool , waxa ay u baahnaayeen badal waliba in la soo giliyo Xherdan Shaqiri si qadka dhexe uga shaqeysiiyo walibana Salah u dhaq dhaqaaqo .

Qeybta labaad , Liverpool dar dar ayay ku bilaabeen kubaddana waa ay kaga sareeyeen Wets Ham balse dhameystir ayaa ka maqnaa .

Kooxda martida loo ahaa waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna ciyaareen daafac adag oo isku duuban .

Qeybihii dhexe kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayaeen labada koox , waliba West Ham waa ay tagayeen aagga goosha Liverpool xilli Liverpool ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ay hogaanka u hayeen Salah iyo Mane .

Daqiiqaddii 65-aad West Ham fursad xaqiiq aheyd oo ay ku soo qaateen kubad rogaal celis ah ayay iska qasaariyeen , waxaana guud ahaan ciyaarta laga fillan karay goolal inkastoo saadaasha dhanka Liverpool ay u janjeertay .

Macalin Klopp si xaalka kooxda wax uga badallo waxa uu badalkiisa koowaad sameeyay daqiiqaddii 68-aad xiligaas oo uu soo giliyay Shaqiri oo loo badalay Lallana .

Qeybihii dhamaad xigeenka , xaraarad ayay ciyaarta sii yeelatay , mar waliba oo ay West Ham kubadda la baxsadaan halis ayay ku aheyd Liverpool kuwaasi oo iyagana weysanaa meel ay kubadda marsiiyaan , waxa ayna Liverpool daqiiqaddii 75-aad soo giliyeen Divock Origi oo loo badalay Firminho .

Daqiiqaddii 81-aad goolhayaha West Ham waxa uu fursad xaqiiq aheyd ka bad baadiyay Mohamed Salah , waxa ayna dhamaadkii ciyaarta aheyd mid u furan labada koox oo dar dar leh balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay min hal gool oo ay West Ham hadiyad ugu dirtay kooxda Liverpool nbaacsaneysa ee Man City kuwaasi oo haatan kaliya horyaalka looga hayo sedex dhibic

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here