West Ham Oo Afka Dhulka U Galisay Arsenal Kana Hor Istaagtay Fursad Ay Ku Gali Lahayd Kaalinta 4-aad.

0

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda West Ham kulan ka dhacay garoonka London Staduim kana tirsanaa premier league.

Kulanka ayaa ku bilowday si dagan oo ay labada kooxoodba iska ilaalinayaan in laga dhaliyo goolal wakhti hore ah si fiicana u difaacanayay.

Arsenal ayaa ahayd kooxda maamulaysay kubada dhanka baas-baaska halka ay West Ham qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonaysay in ay goolal kaga dhaliso.

Labada kooxood ayaa sameeyay fursado yar oo goolal laga dhalin karo iyaga oo dhanka kale si fiican u difaacanayay dhanka daafaca.

Waxa bar-baro goolal la,aan ah ku dhamaatay qaybyii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba ku heshiiyeen bar-baro kuna kala bexeen 0/0.

Qaybtii hore ayay labada kooxoodba kulanka u soo galeen sidii ay ciyaarta wax uga badali lahaayeen kuna hor mari lahaayeen ciyaarya.

Kooxda West Ham ayay taasi u suurgashay daqiiqadii 48-aad kadib markii uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Declan Rice kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

West Ham 1-0 Arsenal LIVE score, team news and updates – Premier League

Goolkaas ayaa hurdada ka kiciyay Arsenal waxana ay bilaabeen sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha iyaga oo gabi ahaan la wareegay maamulida ciyaarta.

Dhanka kale West Ham oo iyadu haatan og in ay 3-da dhibcood dhankeeda u badisay ayaa dib ugu laabatay daafaca iyaga oo si fiican u difaacanayay.

Hummers ayaa doonayay in ay goolal kaga dhaliyaan Arsenal weeraro rogaal celis ah waxana ay dhawr jeer ku dhawaadeen in ay ka dhaliyaan goolka 2-aad.

Arsenal ayaa isku dayday in ay dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo xitaa dhaliyay 2 gool laakiin labadoodaba looga diiday Offside.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay West Ham Arsenal ka gaadhay guul 1/0 ah kana hor istaagtay Fursad ay ku gali lahayd kaalinta 4-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here