Wenger -> PSG? Kooxda PSG Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wenger La Xiriirinaya PSG

Madaxweynaha Kooxda PSG ee ayaa ka hadlay wararka tababarihii hore ee kooxda Arsenal Ee Arsene Wenger la xiriirinaya kooxda PSG.

Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in uuna Arsene Wenger ku soo biiri doonin kooxda PSG si uu ugu noqdo agaasimaha ciyaaraha.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Arsenal xagaagii hore.

Laakiin tababaraha reer France ayaa dhawr jeer sheegay in uuna wax niyad ah u hayn in uu isaga fadhiisto maamulista ciyaaraha iyada oo si weyn loola xiriirinayay kooxda PSG.

Wenger ayaa la sheegayay in uu noqon doono agaasimaha kooxda PSG isaga oo booskaas ka badali doona Antero Henrique oo kooxda joogay tan ilaa 2017.

Laakiin Al-Khelaifi Ayaa meesha ka saaray in ay arintaas dhici doono oo uuna Wenger ku soo biiri doonin kooxda PSG.

“Waxa aan xiriir fiican la leeyahay Arsene”ayuu u sheegay Le Parisien.

“Aad ayaan ugu dhawahay waxana aan aqaanay muddo dheer waa tababare cajiib ah iyo shaqsi aqoon buuxda u leh kubada cagta”.

“Laakiin waxa aan haysanaa agaasime ciyaareed, Antero Henrique oo aan ku qabo kalsoono weyn”.

“Waxa aan maqlaa warar Wenger la xiriirinaya shaqadaas, waa wax aanay waxba ka jirin, Antero ayaa haya shaqo fiican wuuna sii joogi doonaa booskaa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here