Weerar! Saddexdii Kalmadood Ee Uu Pual Pogba Ku Celceliyay Ee Jose Mourinho Kula Coloobay Oo Uu Markale Pogba Qaab Qurux Badan Uga Jawaabay.

0

Pual Pogba ayaa saddexdii kulan ee ugu danbeeyay ee uu ka hoos shaqaynayay Ole Gunnar Solskjaer waxa uu soo dhaliyay goolal ka badan intii uu ku soo dhaliyay 17 kii kulan ee uu xili ciyaareedkan ka soo hoos shaqeeyay Jose Mourinho wuxuuna hadda Pogba lugtiisa ugu jawaabay Mourinho iyo dadkii eedaynayay.

Pual Pogba ayaa afar gool ka soo dhaliyay saddexdii kulan ee uu ku soo bilawday shaxda Ole Gunnar Solskjaer wuxuuna ku raaxaysanayaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo maalintii uu Manchester United dib ugu soo laabtay lacagtii rekoodhka aduunka ahayd.

Pual Pogba ayaa wax laga waydiiyay kala duwanaanshaha Jose Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjaer oo uu si xoogan ugu raaxaysanayo hanaankiisa ciyaareed laakiin markan Pogba ayaa joojiyay colaadii uu Mourinho kula jiray wuxuuna u jawaabay si akhlaaq leh balse uu ku cadeeyay kala duwanaanshaha.

Kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kulankii Bournemouth ayaa Pogba xaaladiisa iyo weerarka ay kooxdiisu ku ciyaarayso wax laga waydiiyay iyada oo loo barbar dhigay xaaladii dhibaatada lahayd ee Jose Mourinho.

Pual Pogba ayaa ku jawaabay: “Way kala duwan tahay, wali waxaanu kulamo la soo guulaysanay tababarihii hore, waxaa kaliya oo kala duwan waa hanaanka ciyaareed. Aad ayaanu u weerar badanahay, fursado badan ayaanu abuuraynaa. Kaasi waa sida aanu doonayno in aanu u ciyaarno”.

Pual Pogba oo qaab fiican u dhegaya eraygii uu saddexda jeer ama ka badan ku celiyay ee uu Jose Mourinho kula coloobay ee weerar,weerar,weerar ayaa yidhi: “Waxaanu doonaynaa in aanu weerarno isla markaana waxa uu tababaruhu doonayaa weerar”.

Waxay hadda si cad ugu muuqataa in Pogba uu weerarkii uu ka doonayay Mourinho ka helay Ole Gunnar Solskjaer waana sababta uu gool dhalin cajiib ah ugu soo jiray saddexdii kulan ee uu ka soo hoos ciyaaray.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here