Wayne Rooney Oo Door Ka Qaatay Guushii Weynayd Ee Ay Man United Ka Gaadhay Cardiff City

Xiddigii hore ee kooxda Man United Wayne Rooney ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guushii weynayd ee ay Man United ka gaadhay kooxda Cardiff City kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday doorkii uu kabtankii hore ee Man United ka qaatay guushii 5/1 ahayd ee ay Man United ka gaadhay Cardiff City.

Ole Gunnar Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kalmado aan ka helay Wayne Rooney ayaa iga caawiyay in aan dib u helo Ruuxda kooxda waxa aan u baahnaa taageeradaas”.

“Waxa aan booska la wareegay Arbacadii mana jirin wakhti igu fican maadama aan tababarka hogaamiyay kaliya khamiistii iyo Jimcihii, Wayne Rooney ayaana ii soo diray fariin uu igu siiyay talo sidaas darteed isaga ayaa door ka qaatay guusha”.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si cajiib ah ku bilowday xirfadiisa Man United isaga oo guul weyn ku hogaamiyay kooxda markii ugu horaysayna kooxdu ku badisay 5 gool xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here