Wayne Rooney: Liverpool Wakhti Dheer Ma Sii Haysan Doonto Hogaanka Horyaalka, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

0

Xiddigii hore ee kooxda Man United Wayne Rooney ayaa la dhacay qaab ciyaareedka Kooxda Liverpool ee Xilli ciyaareedkan kaas keenay in ay hogaanka u hayso horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa haatan 4 dhibcood oo cadaan ah ku haysa horyaalka premier League iyada oo ka horaysa kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City.

Wayen Rooney oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Liverpool waa koox cajiib ah qaabka ay u ciyaaraaan waa mid lagu raaxaysano xilli ciyaareedkan”

“Laaiin uma malaynayo in ay wakhti dheer sii haysan doonaan horyaalka premier league sababta oo ah Man City ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka Xilli Ciyaareedkan”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay kooxda Liverpool ciida gaalada gaar ahaan maalmaha Boxing day-ga gali doonto iyada oo hogaanka u haysa horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here