“Waxaan la murugeysanahay sababa la xiriira Riyad Mahrez” – Guardiola

0

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa raali galin u diray xidiga reer Algeria Riyad Mahrez.

Wargeyska ” L’Equipe” ee dalka Faransiiska ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Pep Guardiola, kaasoo uu kaga hadlay xidiga reer Algeria.

“Mahrez wuxuu ku lumiyay shaxda koowaad ee kooxda, aniga qaladkeyga, ma ahan arin la xiriirra xidiga reer Algeria”.

“Waxaan la murugeysanahay isaga dartiis, sababtoo ah wuxuu tababarka u sameeyaa si xoogan, xili uu sidoo kale leeyahay awood iyo karti badan”.

“Laakiin waqtigan la joogo kooxda waxay heystaa shan weeraryahan oo heer sarre ah, waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkooda”.

“Balse nasiib darro, ma aanan siin Riyad Mahrez, fursad uu kaga qeyb galo ciyaaraha, taasoo uu u qalmay, sidaas darteed waan raali gelinayaa”.

“Awooda ciyaareed ee Riyad Mahrez shaki kuma jiro, waxa kaliya ee laga doonayo inuu sameeyo ayaa ah inuu sii wado tababarka, isla markaana uu dagaalami karo wax badan”.

“Hadii uu ciyaaro Mahrez 5 ama 6 kulan xiriir ah, wuxuu la mid noqon doonaa isla qaab ciyaareedka Raheem Sterling iyo Bernardo Silva”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here